Posts

Showing posts from April, 2021

Xusuusteydii toban sano ka hor maanta oo kale!

Image
Taariikhdu markii ay ahayd 14 Abriil 2015, subaxnimo talaado ah waxaan kusoo toosay jawi aad u qurux badan. Waxaa isoo wacay saaxibkeey aan isku shaqo aheyn wuxuuna ii sheegay inaan xafiiska shaqada isku sii raacno oo ahaa wasaaradda waxbarshada oo ku yaallay laami-yaraha Zoobe, waqti yar kadib xafiiskii ayaynu nimid. Saacadu markii ay ahayd 12:48pm ayaynu mar qura maqalnay qarax aad u xoog badan oo aan kala garan waynay meesha uu yahay aadna inoogu dhawaa, xabado fara badan oo daba socday qaraxa ayaan maqalnay mana aanaan ogaan karin sida ay wax u dhacayaan sababtoo ah xafiis ku yaalla dabaqa ugu sareeya ayaan ku jirnay. Isla daqiiqadii uu qaraxu dhacay waxaa isoo wacday walaasheey oo i weydiisay inaan nabad qabo iyo in kale, anigana waxaan u sheegay in qaraxu aad inooga fog yahay si aan qalbiga ugu dejiyo. Daqiiqadii ku xigtayna waxaa isoo wacay mid ka mid ah saaxiibadeyda oo aan u sheegay inaan nabad qabo balse qaraxa iyo xabado daba socdaba ay agteena ka dhacayaan. Intaas k...