Xusuusteydii toban sano ka hor maanta oo kale!
Taariikhdu markii ay ahayd 14 Abriil 2015, subaxnimo talaado ah waxaan kusoo toosay jawi aad u
qurux badan.
Waxaa
isoo wacay saaxibkeey aan isku shaqo aheyn wuxuuna ii sheegay inaan xafiiska
shaqada isku sii raacno oo ahaa wasaaradda waxbarshada oo ku yaallay laami-yaraha
Zoobe, waqti yar kadib xafiiskii ayaynu nimid.
Saacadu
markii ay ahayd 12:48pm ayaynu mar qura maqalnay qarax aad u xoog badan oo aan
kala garan waynay meesha uu yahay aadna inoogu dhawaa, xabado fara badan oo
daba socday qaraxa ayaan maqalnay mana aanaan ogaan karin sida ay wax u
dhacayaan sababtoo ah xafiis ku yaalla dabaqa ugu sareeya ayaan ku jirnay.
Isla
daqiiqadii uu qaraxu dhacay waxaa isoo wacday walaasheey oo i weydiisay inaan
nabad qabo iyo in kale, anigana waxaan u sheegay in qaraxu aad inooga fog yahay
si aan qalbiga ugu dejiyo. Daqiiqadii ku xigtayna waxaa isoo wacay mid ka mid
ah saaxiibadeyda oo aan u sheegay inaan nabad qabo balse qaraxa iyo xabado daba
socdaba ay agteena ka dhacayaan.
Intaas
kadib shaqaalihii oo dhan kala carar ayaa la galay, cid si sax ah u sheegi
kartaa sida ay wax u jiraan majirto, qof kastaa oo aad fiirisidna wajigiisa
waxaa ka muuqdo argagax iyo murugo. Xabadihii aad ayay usii xoogeysteen,
sawaxanka qeylada saa'id ayay noqotay, qofkastaa wuxuu bilaabay inuu cararo.
Xafiis
inaga soo horjeeday ayaan iska buuxinay kadib daaqada xafiiska ayaan kawada
baxnay oo balookoonka ayaa lawada istaagay. Dadka qaarkiis maba aysan sugin oo
waxay iska tureen dabaqa sadexaad ee ugu sareeya oo aan saarneen.
Markii
aan fiiriyo bolokoonka aan saarannahay hoostiisa asxaabtaydii is tuurtay oo
aanan xitaa nuuxsaneyn ayaa dhulka yaala oo qaarkood ay wax ka gaareen madaxa, xabadka iyo dhabarka. Qur’aanka inaan aqriyo ayaan bilaabay illaahey ayaan weydiistay inuu
I badbaadiyo.
Hoos
uma degi kartid oo qof kastaa cabsi badan ayaa haysa, naxdin midii ugu darnayd
ayaan dareemay. Xabadihii way sii xoogeysteen dhawaaqa rasaastana aad ayay usoo
dhawaatay oo gudaha xarunta ayay ka dhacaayaan, dhawaaqa qayladana marba marka
ka dambeysa way sii kordheysay.
Asxaabteydii
laba qeyb ayay noqdeen kuwo way is tuureen, qaarka kalena gudaha xafiiskii ayay
ku laabteen. Meesha waxaa kusoo haray annagoo koox ah oo qaadan weynay inaan
xafiiska dib ugu laabano innagoo wali taagan balakoonkii.
Asxaabtii
is tuurtay ee meesha hoose taalla cid nuuxsaneysaa majirto.
Markaan
naxdintii way nagu sii siyaaday oo dhawaaqa rasaasta waxaa ka xoog badnaatay
“Allahu Akbar” oo cod dheer lagu oranaayo, taas oo aan u qaadanay in xarunta oo
dhan lala wareegay.
Balse
murugadii iigu darnayd oo aan illaa iyo maanta aan xasuusanaayo waxay ahayd
saaxiibkeey Ismaacil Xalane (Allah ha u naxariisto) markii aan gacanta ka
qabtay oo aan celiyay isaga oo is tuuri raba, balse daqiiqado gudohood markii
aan gacantiisii ka fuqay ayuu is tuuray. Kadib dhulka ayuu ku dhacay. Waan sii eegay, wuxuu
isku dayay inuu istaago balse wuu istaagi kari waayay oo af-af ayuu dhulka ugu
dhacay. Dhowr daqiiqa kadib nuuxsigiina wuu joojiyay.
Isla
markiiba aniga oo Towxiidka afka ku haaya ayaan arkay fiilo aad u yar oo marka
aad waxyar jiidid go’aysa inta aan qabsaday ayaan booday.
Markaas ayaana miyir iigu dambeysay.
Indhaha ayaan kala furay waxaan arkay dad fara badan oo igu hareeraysan
oo ay dhammaantood ilmaynayaan iyo aniga isbitaal jiifa.
Hooyo ayaan arkay oo wajigeeda dhammaa isbedelay
murugada iyo ilinta ka muuqataa darteed, ilin ayaa iga soo daadatay dabadeed
hab ayay i siisay.
Kadib
waxaan arkay raajo lagu xoonsan yahay, anigoo xanuun saa'id ah dareemaaya ayay
gabar agteyda taagneed oo ilmeyneysa igu tiri “lafaha dhabarka ayaa jab ka
jiraa”.
Isbitaalka
ayaa la i jiifay, markii la gaaray maqribkii ayaa la ii soo sheegay inay
geeriyoodeen qaar ka mid ah asxaabtaydii oo uu ka mid yahay Ismaaciil Xalane (AUN), iyo in saaxiibadeyda kalena ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.
Maalintii xigtay ayaa baaritaan dhabarka ah maray, natiijadii
soo baxday waxay igu abuurtay naxdin, walbahaar iyo walwal aad u xoogan,
waxayna noqotay in laf ka mid ah lafaha dhabarka ay jabtay halka laba lafood oo
kalena ay booskoodii ka sikadeen.
isla
markaana waxaa marqura maskaxdayda kusoo dhacay su’aalo badan oo ay ka ahaayeen
“lugahaaga sidee ayay noqon doonaan? mardambe ma socon doontaa?
Waxaa
iga walwal badnaa HOOYO iyo AABE oo aan wajiyadooda ka fasiran karay murugada
ay dareemayaan.
Walbahaarka
wuxuu igu sii xoogeystay markii ay maamulka isbitaalku inoo sheegeen in aanay
waxba ka qaban karin xaaladayda, waxayna inoo raaciyeen inay ii sameyn doonaan
caawimaad.
Waxaa
la i seexiyay qeybta gargaarka degdega ah ee isbitaalka, dhabarka ayay iga
xireen waxay ii sheegeen inaan joojiyo fariisasho iyo istaagida toona.
Maadaama wadanka wax la iiga qaban waayay, waxaan fursad
caafimaad ka helay wadanka Qatar.
Alxamdulillah toban sano kadib ilaaheey caafimaad taam ah ayuu isiiyay. Allah waxaan uga
baryayaa intii ku dhaawacantay inuu caafimaad taam ah siiyo. Intii ku
dhimatayna qabrigooda Allah ha u waasiciyo.
Allah
ha u naxariisto Asxaabteydii qiimaha badnayd ee ku dhimatay dhacdadaas xanuunka
badnayd.
Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan qoyskayga, oo ay ugu horeeyaan Hooyo iyo Aabe.
Sidoo
kale, waxaan u mahadcelinayaa guud ahaan Dowladda Somaaliya gaar ahaan Amb.
Hawa Hassan oo ahayd wasiirka caafimaadka xilligaas oo dadaal fara badan ku
bixisay sidii aan caafimaad ku heli lahaa.
Ugu
dambeyn waxaan u mahadcelinayaa dhammaan asxaabtii garabkayga taagnaa.
so sad its pain full and heart touching history my allah increase your health alx hadi ilhay cafimadkaga kuso celiyey aya mahdi usugnatay wa imtixanka adunka qayb ka mid ah ilhay haku siyadiyo wall cafimadk
ReplyDeleteRuntii Qoraalka Waa Itaabtay Dhibka Ku Soo Maray Siduu U Cuslaa. Waxaan Akhrinayaa Anigoo Gurigeyga Karantiil Ku Ah Coronavirus Dartiis. Aduunku Waa Galaba Cayn. Alx Hadaad Caafimaad Qabtid. Ambassador Hon Hawa Guuleyso Ayaan Lee Yahay
ReplyDeleteSubxannallah
ReplyDeleteQoraalkaga waxuu igaliyay murugo Alxamdulilah allah ayaa ku badbadiyay walalkey
ReplyDeleteAllah ayaa mahad u sugnaatay oo dhibkaas dhacay kaa badbaadiyay, xaaladaas xanuunka ay leedahay maaha mid qoraal lagu cabiri karo. Balse aad ayan kuula dareemi karaa intii ku dhimatay Allah u naxariisto.
ReplyDeleteAllaha ayaa mahadaas iska leh Alhmdullha hadii maanta masha allha tahay sxb wll qali ah
ReplyDeleteaad baan uga xumahy ustaad dhibkaas ku soo garay lkn allh ayaa mahad leh oo dhibkaas dhan ku soo dhaafiyey alx
ReplyDeleteAnigaaba yaab&amakaag iga soo haray anigoo weliba xog ogaal u ahaa inbadan oo kamid ah Alle se mahadiis baraare ayey ku danbeysay ان مع العسر يسرا
ReplyDelete