Sheekadii qalin-qoriga

Wiil yar ayaa daawanayay ayeeydiis oo qoraysa warqad. Hal mar ayuu weydiiyay: Ma sheeko ayaad qoraysaa ayeeyo mise waxyaabihii aynu samaynay? Ma aniga sheeko igu saabsan ayaad qoraysaa ayeeyo?
Waa ay joojisay warqaddii ay qoraysay waxa ayna ku tiri:
Adiga sheeko ku qusaysa ayaan qorayaa, balse marka aad weynaatid waxaan rajaynayaa inaad yeelan doontid astaamaha uu leeyahay qalin-qorigaan aan isticmaalaayo.

Si xiiso leh ayuu u eegay qalinkii ay gacanta kuhaysay ayeeydiis. Waxaa usoo bixi weysay waxa uu kaga duwanyahay qalimada kale qalinka qorigaan.  Wuxuuna yiri: “Waxa uu la mid yahay qalmaanta (Pencils) kale ee aan weligay arkayay’’!
Ayeeyadii ayaa waxay tiri: Waxa ay ku xiran tahay sida aad u eegtid. Waxa uu leeyahay 5 waxyaabood oo tayo leh oo haddii lagaa helo ama aad qaadatid kaa dhigi karta qof dunida kula nool xasilooni.



Tayada Koowaad: Awoodaadu aad ayay u weyntahay, waxa aad qaban kartaa oo awoodaadu gaarsiisan tahay waxyaabo waaweyn, laakiin waxa muhiim ah in aadan illaawin in ay jirto gacan hagaysa  tallaabo kasta oo aad qaadaysid. Gacantaasi wa tan Eebe. Ilaahay ayaa inagu sima halka uu isagu doonayo.

Tayada Labaad: Hadba mar ayaan joojinaaya qoraalka si aan u isticmaalo shayga lagu qoro qalinka  taas oo qalinka qayb kamid ah jaraysa dhibna ku ah, laakiin wakhti yar kadib waxa aad arkaysaa in qalinkii uu ka wanagsanyahay sidii hore, qoraalkiisuna ka fiican yahay. Hadaba, waa inaad mar-marka qaar martaa xanuun, iyo dhib waayo waxa ay kaa dhigayaan mid ka wanaagsan sidii hore.

Tayada seddexaad: Qalin-qorigu (Pencil) markasta waxa uu inoo ogolaadaa in aan isticmaalno masaxaad  si aan ugu masaxno/tirtirno wixii aynu si qaldan ugu qornay ama aynu saluugnay qaab qoraalkeeda. Taa macneheedu waxa waaye ma aha wax xun haddii aynu hagaajino wax aynu qaladnay. Balse, waxa ay inagu toosisaa wadada cadaalada.

Tayada Afaraad: Qaybta muhiimka ah ee qalinku ma aha oogada sare ee quruxda badan, qoriga adagna kasamaysan, laakiin waa inta madow ee gudaha kujirta (graphite), Isku day inaad waqti badan ku bixisid ruuxda.

Ugu dambayn, Tayada Shanaad: Waxa uu ka tagaa raad sidaa si lamid ah, waa inaad ogaata wax kasta oo aad samaynaysid waxa ay ka tegayaan dhaxal. Aad uga feejignoow falalkaaga!

Bogga: Paulo Coelho

Comments

Popular posts from this blog

Xusuusteydii toban sano ka hor maanta oo kale!