Hamlyo Maalinta Macallinka Soomaaliyeed - Macallin talo lagama waayo
Hamlyo Maalinta Macallinka Soomaaliyeed - Macallin talo lagama waayo
--------------------------------------------------------------------------------------------
Sagaal sano ka hor wuxuu ka mid ahaa ardaydii aan dugsiga sare u dhigi jiray. Iskuulka marka uu joogo daal iyo diif badan ayaa ka muuqan jirtay, dhanka waxbarashada waxa uu ku jiray qeybaha dhexe ee ardayda.
Subax subaxyada ka mid ah iyada oo la joogo xilliga dhexe ee iskuulka”break time “ ayaan u yeeray, aniga oo si hoose u wareystay xaaladiisa iyo xaaladda qoyskiisa. Wuxuu ii sheegay in hooyadiis ay xanuunsan tahay, Aabihiina uu xilli hore geeriyooday. Aad ayay ii naxdin gelisay, balse maalintaas waan dhiirigeliyay oo waxaan u sheegay in culays kasta uu ka dambeyo fudayd. Wixii aan awoodayna waan u sameeyay. Macallimiintii oo idilna waxaan la wadaagay xaaladda adag uu ku sugan yahay ardaygaas. Il gooni ah ayay dhammaan macallimiintii iskuulka ku eegi jireen.
Waayo badan iyo waqtiga oo is badalay, waxaan ukala hayaaney xaaladihii kala duwnaa ee dalku isu rogrogayay, waxaanan kashaqayn in muddo ah oo aysan gacanto qaban jeestadii Iyo waliba masaxadii oo horseeday inaan maskax ahaan lumiyo da’da Iyo isbdalka cimilada sidaad doonto u qaada’e dad badan oo ay ugu muhiimsanaayeen ardaydii aan magacyadooda oo sedexan xafidsanaa xiligeygii dahabiga ahaa.
Si kastaba, caawa ayaan tagay isbitaal ka mid ah isbitaalada magaalada aniga oo ay jug yar iga soo gaartay banooni aan odayaal la ciyaaraayay. Dababdeed isbitaalka waxaa igu soo dhaweeyay oo si aad u heer sareysa iigu adeegay dhaqtar ka mid ah dhaqaatiirta isaga oo markii uu ii dhameeyay howshii iweydiiyay inaan xusuusto iyo in kale. Waxaan ku iri aad kuuma xasuusto, wajigaagase waa uu igu yaallaa. wuxuu ii sheegay inuu ka mid ahaa ardaydii aan macallinka u ahaan jiray. Wuxuu isoo xusuusiyay ardaygii uu ahaa iyo fasalkii uu dhigan jiray. Si halhaleel ah ayuu iigu sheegay in uu si gooni ah abaal aad u weyn iigu haayo oo noloshiisa wax badan ka bedelay.
Wuxuu igu yiri si farxadi kamuuqato “Duruufihii adkaa iyo xaaladihii nololeed ee cakirnaa waxaan uga soo gudbay dhiirigelintii maalin aad igu tidhi oo ahayd ”Culays kasta uu ka dambeyo fudayd” runtii waxay ii ahayd midda ii dhaqaajisay inaan noqdo shaqsi ismeel mariya oo aaney saamayn caqabadaha ku xeeran bini’aadamka meelna kasoo baxa oo wax u qabta naftiisa, qoyskiisa iyo Bulshadda aan maanta Dhaqtarka u ahay.
Isku soo wada duuboo ma ogtahay aqristoow hadal wanaagsan oo aad tiraahdo ayaa bedeli kara qof noloshiisa oo dhan taas oo u horseedi karta guulo waaweyn.
Meesha ugu dhaw ee aad ka bilaabi karto waa bulshada kugu hareereysan inaad dhiirigeliso, adiga oo isticmaalaya wadooyin badan oo horseedi kara dhismaha qofka iyo dhamaan waxtarka bulshada guud ahaan.
Akhris wanaagsan.
Comments
Post a Comment