Xusuusteydii toban sano ka hor maanta oo kale!

Taariikhdu markii ay ahayd 14 Abriil 2015, subaxnimo talaado ah waxaan kusoo toosay jawi aad u qurux badan.
Waxaa isoo wacay saaxibkeey aan isku shaqo aheyn wuxuuna ii sheegay inaan xafiiska shaqada isku sii raacno oo ahaa wasaaradda waxbarshada oo ku yaallay laami-yaraha Zoobe, waqti yar kadib xafiiskii ayaynu nimid.
Saacadu markii ay ahayd 12:48pm ayaynu mar qura maqalnay qarax aad u xoog badan oo aan kala garan waynay meesha uu yahay aadna inoogu dhawaa, xabado fara badan oo daba socday qaraxa ayaan maqalnay mana aanaan ogaan karin sida ay wax u dhacayaan sababtoo ah xafiis ku yaalla dabaqa ugu sareeya ayaan ku jirnay.
Isla daqiiqadii uu qaraxu dhacay waxaa isoo wacday walaasheey oo i weydiisay inaan nabad qabo iyo in kale, anigana waxaan u sheegay in qaraxu aad inooga fog yahay si aan qalbiga ugu dejiyo. Daqiiqadii ku xigtayna waxaa isoo wacay mid ka mid ah saaxiibadeyda oo aan u sheegay inaan nabad qabo balse qaraxa iyo xabado daba socdaba ay agteena ka dhacayaan.
Intaas kadib shaqaalihii oo dhan kala carar ayaa la galay, cid si sax ah u sheegi kartaa sida ay wax u jiraan majirto, qof kastaa oo aad fiirisidna wajigiisa waxaa ka muuqdo argagax iyo murugo. Xabadihii aad ayay usii xoogeysteen, sawaxanka qeylada saa'id ayay noqotay, qofkastaa wuxuu bilaabay inuu cararo.
Xafiis inaga soo horjeeday ayaan iska buuxinay kadib daaqada xafiiska ayaan kawada baxnay oo balookoonka ayaa lawada istaagay. Dadka qaarkiis maba aysan sugin oo waxay iska tureen dabaqa sadexaad ee ugu sareeya oo aan saarneen.
Markii aan fiiriyo bolokoonka aan saarannahay hoostiisa asxaabtaydii is tuurtay oo aanan xitaa nuuxsaneyn ayaa dhulka yaala oo qaarkood ay wax ka gaareen madaxa, xabadka iyo dhabarka. Qur’aanka inaan aqriyo ayaan bilaabay illaahey ayaan weydiistay inuu I badbaadiyo.

Hoos uma degi kartid oo qof kastaa cabsi badan ayaa haysa, naxdin midii ugu darnayd ayaan dareemay. Xabadihii way sii xoogeysteen dhawaaqa rasaastana aad ayay usoo dhawaatay oo gudaha xarunta ayay ka dhacaayaan, dhawaaqa qayladana marba marka ka dambeysa way sii kordheysay.
Asxaabteydii laba qeyb ayay noqdeen kuwo way is tuureen, qaarka kalena gudaha xafiiskii ayay ku laabteen. Meesha waxaa kusoo haray annagoo koox ah oo qaadan weynay inaan xafiiska dib ugu laabano innagoo wali taagan balakoonkii.
Asxaabtii is tuurtay ee meesha hoose taalla cid nuuxsaneysaa majirto.
Markaan naxdintii way nagu sii siyaaday oo dhawaaqa rasaasta waxaa ka xoog badnaatay “Allahu Akbar” oo cod dheer lagu oranaayo, taas oo aan u qaadanay in xarunta oo dhan lala wareegay.
Balse murugadii iigu darnayd oo aan illaa iyo maanta aan xasuusanaayo waxay ahayd saaxiibkeey Ismaacil Xalane (Allah ha u naxariisto) markii aan gacanta ka qabtay oo aan celiyay isaga oo is tuuri raba, balse daqiiqado gudohood markii aan gacantiisii ka fuqay ayuu is tuuray. Kadib dhulka ayuu ku dhacay. Waan sii eegay, wuxuu isku dayay inuu istaago balse wuu istaagi kari waayay oo af-af ayuu dhulka ugu dhacay. Dhowr daqiiqa kadib nuuxsigiina wuu joojiyay.
Isla markiiba aniga oo Towxiidka afka ku haaya ayaan arkay fiilo aad u yar oo marka aad waxyar jiidid go’aysa inta aan qabsaday ayaan booday.
Markaas ayaana miyir iigu dambeysay.

Indhaha ayaan kala furay waxaan arkay dad fara badan oo igu hareeraysan oo ay dhammaantood ilmaynayaan iyo aniga isbitaal jiifa.

Hooyo ayaan arkay oo wajigeeda dhammaa isbedelay murugada iyo ilinta ka muuqataa darteed, ilin ayaa iga soo daadatay dabadeed hab ayay i siisay.
Kadib waxaan arkay raajo lagu xoonsan yahay, anigoo xanuun saa'id ah dareemaaya ayay gabar agteyda taagneed oo ilmeyneysa igu tiri “lafaha dhabarka ayaa jab ka jiraa”.

Isbitaalka ayaa la i jiifay, markii la gaaray maqribkii ayaa la ii soo sheegay inay geeriyoodeen qaar ka mid ah asxaabtaydii oo uu ka mid yahay Ismaaciil Xalane (AUN), iyo in saaxiibadeyda kalena ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Maalintii xigtay ayaa baaritaan dhabarka ah maray, natiijadii soo baxday waxay igu abuurtay naxdin, walbahaar iyo walwal aad u xoogan, waxayna noqotay in laf ka mid ah lafaha dhabarka ay jabtay halka laba lafood oo kalena ay booskoodii ka sikadeen. 
isla markaana waxaa marqura maskaxdayda kusoo dhacay su’aalo badan oo ay ka ahaayeen “lugahaaga sidee ayay noqon doonaan? mardambe ma socon doontaa?
Waxaa iga walwal badnaa HOOYO iyo AABE oo aan wajiyadooda ka fasiran karay murugada ay dareemayaan.
Walbahaarka wuxuu igu sii xoogeystay markii ay maamulka isbitaalku inoo sheegeen in aanay waxba ka qaban karin xaaladayda, waxayna inoo raaciyeen inay ii sameyn doonaan caawimaad.
Waxaa la i seexiyay qeybta gargaarka degdega ah ee isbitaalka, dhabarka ayay iga xireen waxay ii sheegeen inaan joojiyo fariisasho iyo istaagida toona.
Maadaama wadanka wax la iiga qaban waayay, waxaan fursad caafimaad ka helay wadanka Qatar.


Alxamdulillah toban sano kadib ilaaheey caafimaad taam ah ayuu isiiyay. Allah waxaan uga baryayaa intii ku dhaawacantay inuu caafimaad taam ah siiyo. Intii ku dhimatayna qabrigooda Allah ha u waasiciyo.
Allah ha u naxariisto Asxaabteydii qiimaha badnayd ee ku dhimatay dhacdadaas xanuunka badnayd.
Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan qoyskayga, oo ay ugu horeeyaan Hooyo iyo Aabe.
Sidoo kale, waxaan u mahadcelinayaa guud ahaan Dowladda Somaaliya gaar ahaan Amb. Hawa Hassan oo ahayd wasiirka caafimaadka xilligaas oo dadaal fara badan ku bixisay sidii aan caafimaad ku heli lahaa.

Ugu dambeyn waxaan u mahadcelinayaa dhammaan asxaabtii garabkayga taagnaa.

Comments

  1. so sad its pain full and heart touching history my allah increase your health alx hadi ilhay cafimadkaga kuso celiyey aya mahdi usugnatay wa imtixanka adunka qayb ka mid ah ilhay haku siyadiyo wall cafimadk

    ReplyDelete
  2. Runtii Qoraalka Waa Itaabtay Dhibka Ku Soo Maray Siduu U Cuslaa. Waxaan Akhrinayaa Anigoo Gurigeyga Karantiil Ku Ah Coronavirus Dartiis. Aduunku Waa Galaba Cayn. Alx Hadaad Caafimaad Qabtid. Ambassador Hon Hawa Guuleyso Ayaan Lee Yahay

    ReplyDelete
  3. Qoraalkaga waxuu igaliyay murugo Alxamdulilah allah ayaa ku badbadiyay walalkey

    ReplyDelete
  4. Allah ayaa mahad u sugnaatay oo dhibkaas dhacay kaa badbaadiyay, xaaladaas xanuunka ay leedahay maaha mid qoraal lagu cabiri karo. Balse aad ayan kuula dareemi karaa intii ku dhimatay Allah u naxariisto.

    ReplyDelete
  5. Allaha ayaa mahadaas iska leh Alhmdullha hadii maanta masha allha tahay sxb wll qali ah

    ReplyDelete
  6. aad baan uga xumahy ustaad dhibkaas ku soo garay lkn allh ayaa mahad leh oo dhibkaas dhan ku soo dhaafiyey alx

    ReplyDelete
  7. Anigaaba yaab&amakaag iga soo haray anigoo weliba xog ogaal u ahaa inbadan oo kamid ah Alle se mahadiis baraare ayey ku danbeysay ان مع العسر يسرا

    ReplyDelete

Post a Comment