Hamlyo Maalinta Macallinka Soomaaliyeed - Macallin talo lagama waayo

Hamlyo Maalinta Macallinka Soomaaliyeed - Macallin talo lagama waayo -------------------------------------------------------------------------------------------- Sagaal sano ka hor wuxuu ka mid ahaa ardaydii aan dugsiga sare u dhigi jiray. Iskuulka marka uu joogo daal iyo diif badan ayaa ka muuqan jirtay, dhanka waxbarashada waxa uu ku jiray qeybaha dhexe ee ardayda. Subax subaxyada ka mid ah iyada oo la joogo xilliga dhexe ee iskuulka”break time “ ayaan u yeeray, aniga oo si hoose u wareystay xaaladiisa iyo xaaladda qoyskiisa. Wuxuu ii sheegay in hooyadiis ay xanuunsan tahay, Aabihiina uu xilli hore geeriyooday. Aad ayay ii naxdin gelisay, balse maalintaas waan dhiirigeliyay oo waxaan u sheegay in culays kasta uu ka dambeyo fudayd. Wixii aan awoodayna waan u sameeyay. Macallimiintii oo idilna waxaan la wadaagay xaaladda adag uu ku sugan yahay ardaygaas. Il gooni ah ayay dhammaan macallimiintii iskuulka ku eegi jireen. Waayo badan iyo waqtiga oo is badalay, waxaan ukala haya...