Xildhibaan Ha Hagran Mustaqbalka Caruurtaada!
Nin oday ah oo alwaax qore ah ayaa rabay inuu shaqada ka fariisto. Wuxuu weligii jeclaa inuu guri uu leeyahay dhisto, balse uma suurta gelin. wuxuu qorshihiisa shaqo ka tegida u sheegay mas'uulki Shirkada. Aad ayuu uga xumaaday shaqaalihiisa ninkii ugu fiicnaa inuu ka tago. Wuxuu weydiistay inuu hal guri keliya ixsaan ugu dhiso intuusan tegin. Ninkii odaga ahaa wuu aqbalay, maadaama uu shaqada ka niyad jabsanaa, qalbigiisuna aanu la jirin, wuxuu isticmaalay qalab aad u liita. Umana hagar bixin. Nasiib darro ayay ahayd inuu sidaa ku dhameeyo xirfadiisii uu nafta u horay waqti badan.
Goortii uu dhameeyay, ayaa ninki madaxda ahaa u yimid, ka dibna wuxuu siiyay furihii guriga isagoo ku yiri, "Kani waa gurigaaga,waana hadiyad aan ku siiyay."
Ninkii odaga ahaa wuu naxay! haddii uu ogaan lahaa in uu dhisaayay gurigiisii, si ka duwan sidaa ayuu u dhisi lahaa.
Dulucda sheekada waxaa waaye xildhibaanoow maanta waxaad heysataa fursad aad ku dhisi kartid mustaqbalka caruurtaada amaba aad ku dumin kartid ee fadlan dooro hogaamiye aragti fog leh, xilkas ah, aamin ah isla markaana dalkeena soo kabashada ku jira u horseedi kara hormar.
Xildhibaan u codee dhismaha wadankaaga adigoo ixtiraamaaya damiirkaaga.
Comments
Post a Comment