Maanta waxaan waqti kooban oo aad u xiiso badnaa kusoo qaadannay degmada Balcad.
Intii aan sii soconay waxaan marnay goobo fara badan oo ay ka mid ahaayeen isgooysyada SOS iyo Suuqa Xoolaha oo muddo toban sano iyo ka badan iigu dambeysay.
Xaafadahaas waxay ku leeyihiin nolosheyda xusuuso gaar ah, maadaama aan waqtigii caruurnimadayda iyo waxbarashadaba inta badan kusoo qaatay.
Intii aan sii soconnay waxaan istaagnay isgoyska SOS oo aan masawiro ku galnay balse waxaa cajiib aheyd intii aan joognay inaan si kedis ah isku aragnay mid ka mid ah saaxiibadii aan isla soo kornay, oo waliba ahaa mid aan isla soo qaadannay waayaheenii dugsi qur’aanka iyo midkii school-kaba. Inkasta oo uu iga diiday inaan masawir taariikhi ah wada galno, haddana waxaan wadaagnay waayo-waayo iyo xusuuso aad u cajiib badnaa.
Waxaan si nabad ah ku gaarnay degmada Balcad. Waxyaabaha xusida mudan ee u baahan in la bogaadiyo waxaa ka mid ah, sida uu maalinba maalinta ka dambeysa usoo hagaagaayo ammaanka dalka. Waxaana ammaan iyo mahadcelin mudan ciidankeena qaranka oo habeen iyo maalinba huraaya waqtigooda iyo naftooda.
Degmada Balcad waa degmo qadiim ah aadna u qurux badan. Intii aan joognay indhaheenu waxay qabanayeen dhul caagar oo u roon deymada. Waa degmo dadka joogaa ay kulansadeen dad jaceyl iyo ilbaxnimo.
Waxaa la inoo sameeyay martiqaad aanan ku cabiri karin qoraal. Wuxuuna ka koobnaa cad iyo caano. Waxaana casuumaaddaa quruxda badan inoo fidiyay Taliye Mire Sahal.
Markii aan qadeynay kadib, waxaan u lugeynay beer inoo jirtay dhowr daqiiqo oo la inoogu diyaariyay shaah Dhaka-jebiye ah oo ay caraftiisa durba kusoo qabayso.
Dabadeed, waxaan soo aadnay buundada weyn ee magaalada ee uu hoos maro webiga Shabeelle, innaga oo waqti kooban ku qaadannay dusheeda, masawiro xusuuso ahna ku galnay.
Gunaanadkii iyo gebagabadii, waxaa had iyo jeer mudan inaan bogaadino dadaalada ay wado dowladda ee ku aadan xasilinta iyo nabadeynta dalka. Waxaa kale oo mahadcelin iyo dhiirigelin mudan ciidankeena qaranka.
Comments
Post a Comment