Posts

Image
 Maanta waxaan waqti kooban oo aad u xiiso badnaa kusoo qaadannay degmada Balcad.  Intii aan sii soconay waxaan marnay goobo fara badan oo ay ka mid ahaayeen isgooysyada SOS iyo Suuqa Xoolaha oo muddo toban sano iyo ka badan iigu dambeysay.  Xaafadahaas waxay ku leeyihiin nolosheyda xusuuso gaar ah, maadaama aan waqtigii caruurnimadayda iyo waxbarashadaba inta badan kusoo qaatay.  Intii aan sii soconnay waxaan istaagnay isgoyska SOS oo aan masawiro ku galnay balse waxaa cajiib aheyd intii aan joognay inaan si kedis ah isku aragnay mid ka mid ah saaxiibadii aan isla soo kornay, oo waliba ahaa mid aan isla soo qaadannay waayaheenii dugsi qur’aanka iyo midkii school-kaba.  Inkasta oo uu iga diiday inaan masawir taariikhi ah wada galno, haddana waxaan wadaagnay waayo-waayo iyo xusuuso aad u cajiib badnaa.  Waxaan si nabad ah ku gaarnay degmada Balcad. Waxyaabaha xusida mudan ee u baahan in la bogaadiyo waxaa ka mid ah, sida uu maalinba maalinta ka dambeysa usoo...

Xildhibaan Ha Hagran Mustaqbalka Caruurtaada!

Image
Nin oday ah oo alwaax qore ah ayaa rabay inuu shaqada ka fariisto. Wuxuu weligii jeclaa inuu guri uu leeyahay dhisto, balse uma suurta gelin. wuxuu qorshihiisa shaqo ka tegida u sheegay mas'uulki Shirkada. Aad ayuu uga xumaaday shaqaalihiisa ninkii ugu fiicnaa inuu ka tago. Wuxuu weydiistay inuu hal guri keliya ixsaan ugu dhiso intuusan tegin. Ninkii odaga ahaa wuu aqbalay, maadaama uu shaqada ka niyad jabsanaa, qalbigiisuna aanu la jirin, wuxuu isticmaalay qalab aad u liita. Umana hagar bixin. Nasiib darro ayay ahayd inuu sidaa ku dhameeyo xirfadiisii uu nafta u horay waqti badan. Goortii uu dhameeyay, ayaa ninki madaxda ahaa u yimid, ka dibna wuxuu siiyay furihii guriga isagoo ku yiri, "Kani waa gurigaaga,waana hadiyad aan ku siiyay." Ninkii odaga ahaa wuu naxay! haddii uu ogaan lahaa in uu dhisaayay gurigiisii, si ka duwan sidaa ayuu u dhisi lahaa. Dulucda sheekada waxaa waaye xildhibaanoow maanta waxaad heysataa fursad aad ku dhisi kartid mustaqbalka caruurtaada amaba...

Xusuusteydii toban sano ka hor maanta oo kale!

Image
Taariikhdu markii ay ahayd 14 Abriil 2015, subaxnimo talaado ah waxaan kusoo toosay jawi aad u qurux badan. Waxaa isoo wacay saaxibkeey aan isku shaqo aheyn wuxuuna ii sheegay inaan xafiiska shaqada isku sii raacno oo ahaa wasaaradda waxbarshada oo ku yaallay laami-yaraha Zoobe, waqti yar kadib xafiiskii ayaynu nimid. Saacadu markii ay ahayd 12:48pm ayaynu mar qura maqalnay qarax aad u xoog badan oo aan kala garan waynay meesha uu yahay aadna inoogu dhawaa, xabado fara badan oo daba socday qaraxa ayaan maqalnay mana aanaan ogaan karin sida ay wax u dhacayaan sababtoo ah xafiis ku yaalla dabaqa ugu sareeya ayaan ku jirnay. Isla daqiiqadii uu qaraxu dhacay waxaa isoo wacday walaasheey oo i weydiisay inaan nabad qabo iyo in kale, anigana waxaan u sheegay in qaraxu aad inooga fog yahay si aan qalbiga ugu dejiyo. Daqiiqadii ku xigtayna waxaa isoo wacay mid ka mid ah saaxiibadeyda oo aan u sheegay inaan nabad qabo balse qaraxa iyo xabado daba socdaba ay agteena ka dhacayaan. Intaas k...

Hamlyo Maalinta Macallinka Soomaaliyeed - Macallin talo lagama waayo

Image
Hamlyo Maalinta Macallinka Soomaaliyeed - Macallin talo lagama waayo -------------------------------------------------------------------------------------------- Sagaal sano ka hor wuxuu ka mid ahaa ardaydii aan dugsiga sare u dhigi jiray. Iskuulka marka uu joogo daal iyo diif badan ayaa ka muuqan jirtay, dhanka waxbarashada waxa uu ku jiray qeybaha dhexe ee ardayda. Subax subaxyada ka mid ah iyada oo la joogo xilliga dhexe ee iskuulka”break time “ ayaan u yeeray, aniga oo si hoose u wareystay xaaladiisa iyo xaaladda qoyskiisa. Wuxuu ii sheegay in hooyadiis ay xanuunsan tahay, Aabihiina uu xilli hore geeriyooday. Aad ayay ii naxdin gelisay, balse maalintaas waan dhiirigeliyay oo waxaan u sheegay in culays kasta uu ka dambeyo fudayd. Wixii aan awoodayna waan u sameeyay. Macallimiintii oo idilna waxaan la wadaagay xaaladda adag uu ku sugan yahay ardaygaas. Il gooni ah ayay dhammaan macallimiintii iskuulka ku eegi jireen. Waayo badan iyo waqtiga oo is badalay, waxaan ukala haya...

Sheekadii qalin-qoriga

Image
Wiil yar ayaa daawanayay ayeeydiis oo qoraysa warqad. Hal mar ayuu weydiiyay: Ma sheeko ayaad qoraysaa ayeeyo mise waxyaabihii aynu samaynay? Ma aniga sheeko igu saabsan ayaad qoraysaa ayeeyo? Waa ay joojisay warqaddii ay qoraysay waxa ayna ku tiri: Adiga sheeko ku qusaysa ayaan qorayaa, balse marka aad weynaatid waxaan rajaynayaa inaad yeelan doontid astaamaha uu leeyahay qalin-qorigaan aan isticmaalaayo. Si xiiso leh ayuu u eegay qalinkii ay gacanta kuhaysay ayeeydiis. Waxaa usoo bixi weysay waxa uu kaga duwanyahay qalimada kale qalinka qorigaan.  Wuxuuna yiri: “Waxa uu la mid yahay qalmaanta (Pencils) kale ee aan weligay arkayay’’! Ayeeyadii ayaa waxay tiri: Waxa ay ku xiran tahay sida aad u eegtid. Waxa uu leeyahay 5 waxyaabood oo tayo leh oo haddii lagaa helo ama aad qaadatid kaa dhigi karta qof dunida kula nool xasilooni. Tayada Koowaad: Awoodaadu aad ayay u weyntahay, waxa aad qaban kartaa oo awoodaadu gaarsiisan tahay waxyaabo waaweyn, laakiin waxa muhiim ah in a...